Muran ka dhashay laba dhakhtar oo Faransiis ah oo soo jeediyey in tallaalka Covid-19 Afrika lagu tijaabiyo!!

0

(Paris) 03 Abriil 2020 – Waxay doodi ka dhalatay war kasoo yeerey laba dhakhtar oo Faranji ah oo sheegay in tallaalka COVID-19 lagu tijaabiyo Africa iyagoo weli toos ka ah TV.

“Miyaynaan daraasaddan ku samayn karin Africa, halkaasoo aysan ka jirin wax dawo ah, wax maasgaro ah iyo wax daryeel caafimaad ah?” ayuu yiri Dr. Jean-Paul Mira oo la hadlayey hilinka maxalliga ah ee channel LCI.

“In yar oo la mid ah sida dawada AIDS-ka loogu tijaabiyo dhillooyinka, maadaama ay halista aad ugu bandhigan yihiin oo aysan is ilaalin, maxay kula tahay?” ayuu daba dhigay.

Dhakhtarka kale oo la yiraahdo Dr. Camille Locht ayaa deeto sheekada kusoo biiraya, “Waad saxan tahay, waxaan ka fikiraynaa in aannu daraasad is dhinac socota ka samayno Afrika annagoo adeegsanaya abbaarka BCG (tallaal).” ayuu uga koobiyey.

Fayruskan COVID-19 ayaa tan iyo markii uu bishii Diseembar kasoo baxay China wuxuu ku dhacay wax ka badan hal milyan oo ay ugu yaraan 540,000 Yurub u dhasheen ama joogaan.

Afrika ilaa iminka waa qaaradda ugu yar kiisaska cudurka, balse ma jirto hubaal sheegaysa inay aamin ka tahay, tiiyoo uu weliba aad u liito kaabaha caafimaadku, balse in qaarad dhan cudur dawadii lagu tijaabiyo waa gef insaaniyadda ka dhan ah, iyadoo ay warka raggan kasoo baxday in sidoo kale Afrika laga wado tijaabooyin ku saabsan AIDS-ka oo aan la ogayn.

Hadalsame Media