(Ankara) 31 Maarso 2020 – Turkiga ayaa soo bandhigay sambalkii 1-aad ee neef bixiye (ventilator), kaasoo ay farsamaysay wershadda Baykar.
Neefsiiyahan – oo ay naqshadaysey shirkad Turkish ah oo la yiraahdo BIOSYS – oo kaashanaysa Baykar, iyadoo ay sidoo kale ka qayb galeen Arçelik iyo shirkadda agabka ciidamada samaysa ee Aselsan, sida uu sheegay Selçuk Bayraktar, oo ah sarkaal dhanka tiknolojiyadda ah oo ka tirsan Baykar, oo warkan soo tweet gareeyay.
Baykar ayaa BIOSYS ka dalbatay 250 neef-siiye iyadoo ay sidoo kale ololaha kusoo biireen sharikaad kale oo agabka ciidamada sameeya sida Aselsan, Havelsan iyo Turkish Aerospace Industries (TAI).
Neef-siiyahan ayaa loogu deeqi doonaa Wasaaradda Caafimaadka Turkiga si ay ugu adeegsadaan isbitaallada la tacaalaya caabuqa COVID-19.
Mashiinkan ogsijiinta laga qaato ee maxalli ahaanta loo sameeyay ayaa Turkiga ka caawinayo inuu la tacaalo COVID-19 oo dalkaa ka diley 168 qof, iyadoo ay kiisasku ay marayaan 10,827.
Hadalsame Media