Somalia oo dalbatay 3 SHAYBAAR oo casri ah (Goorta la keenayo?)

0

(Muqdisho) 29 Maarso 2020 – DF Somalia ayaa codsatay 3 shaybaar oo ay ku baarto caabuqa halista ah ee Covid-19.

Somalia ayaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qortay codsi rasmi ah si loo siiyo agab caafimaad iyo shaybaarro casri ah.

WHO ayaa lagu wadaa inay agabkan u soo daabusho Somalia muddo 2-3 todobaad ah, iyadoo markiiba ay bilaabmi doonto in howlwadeennadii ku shaqayn lahaa loo tababaro, si ay u baaraan saamiga caabuqa Covid-19.

Somalia ayaa iminka waxay saamiyada laga baarayo Covid-19 u dirtaa shaybaarka WHO ee caasimadda Kenya ee Nairobi, taasoo  ay jawaabteedu qaadato todobaadyo.

Somalia ayaa ilaa iminka laga helay ilaa 2 kiis oo ah caabuqa Covid-19 tiiyoo uu aad u baaba’san yahay hannaanka daryeelka caafimaadka dalku.

Hadalsame Media