Dunida oo hadal haysa dhakhaatiir la sheegay inay Somalia u direeyso Talyaaniga

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2020 – Waxaa jira warar aan weli rasmiyoobin balse aad loo faafinayo oo sheegaya inay Somalia 20 dhakhaatiir ah iyo kalkaaliyeyaal u dirayso dalka Talyaaniga oo uu caabuqa corona ka laayey wax ka badan 10,000 oo qof.

Yeelkeede, warkan ayaa durba soo jiitey indhaha caalamka, iyadoo ay qaarna ku farxeen, qaarna ku wiirsanayaan, iyagoo yaraysanaya doorka Somalia.

Weriye caan ah oo aad wax uga qora caalamka, kana tirsan wax ku qorayaasha Washington Post ayaa fikirkiisa ka dhiibtey isagoo leh:

”Sheeko xiise leh: Somalia oo 20 dhakhaatiir ah u direeysa Talyaaniga si loo xakameeyo caabuqa faafa ee  coronavirus.”

”Noqoshada Somalia ee deeq bixiye caalami ah waa tusaale cajiib ah oo muujinaya sida uu Covid-19 u warac geddiyey siyaasad-dhuleedka caalamka,” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media