DEG DEG: RW Britain oo laga helay caabuqa corona (Halka uu dalka ka xukumi doono oo uu sheegay?)

0

(London) 27 Maarso 2020 – RW Britain ee Boris Johnson ayaa laga helay caabuqa COVID-19.

Boris Johnson oo 55-jir ah ayaa se ku doodaya inuu xaalkiisu yasiran yahay, balse uu xaalkiisa la socdo xoghayaha caafimaadka Chris Whitty.

Wuxuu sheegay inuu haatan is karaantiilay, balse uu dalka ka hoggaamin doono muuqaal toos ah si loo wado dagaalka caabuqa corona ee isagiiba ku habsadey.

“Wadajir baannu kaga adkaan doonnnaa. #Gurigajoogoonafbadbaadi.” ayuu daba dhigay.

Downing Street ayaa sheegay in Mr Johnson la baaro uu ku taliyey Professor Chris Whitty, kaddib markii lagu arkay “astaamo sahlan” shalay Khamiistii, waxaana deeto saami ka qaaday howlwadeennada caafimaad ee NHS.

Hadalsame Media