RW hore ee dalka Md Nuur Cadde oo uu soo ritey caabuqa corona

0

(London) 26 Maarso 2020 – RW hore ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada London kaddib markii laga helay caabuqa corona, sida ay sheegayaan ilo qoyskiisa ku dhow.

Wax faahfaahin ah oo dheeraad ah lagama helin sida ay iminka tahay xaaladdiisa caafimaad, iyadoo uu siyaasigu 83-jir yahay iminka.

Nuur Cadde ayaa ahaa RW Somalia intii u dhaxeeysey 2007-2009, isagoo la shaqaynayey Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf (AUN).

Nuur Cadde oo sidoo kale Kornayl ka noqday Ciidamada Booliiska, ayaa tan iyo markii la magacaabayey 2007-dii, Xoghaye Guud ka ahaa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed tan iyo 1991-kii.

Hadalsame Media