Madaxwaynihii Real Madrid oo u dhintay caabuqa coronavirus

0

(Madrid) 22 Maarso 2020 – Madaxwaynihii hore ee Real Madrid Lorenzo Sanz oo kooxda Les Blancos hoggaaminayey min 1995 ilaa 2000 oo ay kooxdu qaadday 2 Champions League, ayaa dhintay isagoo 76-jir ah.

Sanz oo isbitaalka loola cararay 17-kii Maarso ayaa markii la baaray waxaa laga helay caabuqa CoVid-19 coronavirus.

“Real Madrid CF, madaxwayneheeda iyo maamulkeedu waxay ka niyad jabsan yihiin geerida Lorenzo Sanz, waxayna tacsida ugu qotada dheer u dirayaan xaaskiisa Mari Luz, carruurteeda, Lorenzo, Francisco, Fernando, María Luz (Malula) iyo Diana, asxaabta iyo qoyska”. ayaa lagu yiri war kasoo baxay naadiga Real Madrid.

Geerida guddoonkii hore ee Real ayaa saacad uun waxaa ka dambeeyey khabarka kabtankii AC Milan, ee Paolo Maldini iyo wiilkiisa Daniel oo cudurka laga helay, waloow uu xaalkiisu roon yahay.

Cudurkan ayaa sidoo kale Spain ku diley tababare da’yar, taasoo meesha ka saartay ra’yi ahaa inuusan dili karin dadka dhisan ama ay xaaladooda jireed wanaagsan tahay.

Hadalsame Media