
(Moscow) 22 Maarso 2020 – Ciidanka Ruushka ayaa bilaabay inay kaalmo dawooyin ah u duuliyaan dalka Talyaaniga, kaddib markii uu sidaa ku amray MW Ruushanka ee Vladimir Putin, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu.
Putin ayaa Sabtigii la hadlay RW Giuseppe Conte, iyadoo uu Kremlin-ku sheegay inuu hoggaamiyaha Ruushku uu kaalmo u wadacey dalka Talyaaniga oo ay shalay oo qura ku dhinteen dad ku dhow 800 oo qof.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa sheegtay inay dirayaan ilaa 8 guuto oo kuwa guurguura ah oo wada agab caafimaad, gawaari jeermiska buufiya iyo agabyo kale oo muhim ah, kuwaasoo ay qaadayaan dayuuradaha xamuulka ee ciidamada.
Ruushka ayaa sidoo kale diraya ilaa 100 khabiir caafimaad oo ciidamada ka tirsan, kuwaasoo ku takhasusay cilmiga fayruska iyo cudurrada faafa, sida ay qoreeyso Interfax oo soo xigatey Wasaaradda.
Ruushka laftiisa ayaa waxaa ka jira ilaa 306 kiis oo caabuqa corona ah, kuwaasoo ugu badan caasimadda Moscow, iyadoo uu hal qof cudurka u dhintay ilaa iminka.
Hadalsame Media