HANDARAAB: Duqa London oo ku baaqay in la xirayo tareenka dhulka hoostiisa mara (Arag khadadka la xirayo)

0

(London) 19 Maarso 2020 – Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa shacabka magaaladiisa u sheegay inay safarrada joojiyaan bulshadana ka dheeraadaan, tiiyoo ay dadka aan weli loo saamixin inay guryaha ku shaqeeyaan ay weli isku xaabinayaan tareennada dhulka hoostiisa mara oo ciriiri ah.

Yeelkeede, London Underground ayaa sheegtay inay maanta joojinayso ilaa 9 khad, halka 31 kale la xirayo qaybaha dambe ee maanta, si loola tacaalo faafitaanka caabuqa corona.

Khadadka aysan kuwa kale is jarin ayaa maanta la xiri karaa, halka khadadka Waterloo, City iyo Night Tube la xiri doona wixii Jimcaha loo gaaro.

Basaska magaalada ka shaqeeya ayaa iyagana la dhimi doonaa, iyadoo dadwaynaha lagu wargelinayo in aanay  raacin gaadiidka dadwaynaha haddii aanay jirin baahi daruuri ah.

9-ka saldhig ee saaka la handaraabay; Arsenal, Barbican, Borough, Bounds Green, Bow Road, Covent Garden, Goodge Street, Hampstead iyo Manor House.

SALDHIGYADA LA XIRAYO MAANTA

Bakerloo Line: Lambeth North, Regents Park, Warwick Avenue, Kilburn Park, Charing Cross

Central Line: Holland Park, Queensway, Lancaster Gate, Chancery Lane, Redbridge

Circle Line: Bayswater, Great Portland Street, Barbican

District Line: Bow Road, Gloucester Road, Mansion House, Stepney Green, Temple, St James’s Park

Jubilee Line: Bermondsey, Swiss Cottage, St John’s Wood, Southwark

Northern Line: Chalk Farm, Mornington Crescent, Goodge Street, Borough, Tuffnell Park, Clapham South, Hampstead, Tooting Bec, South Wimbledon,

Piccadilly Line: Arsenal, Bounds Green, Covent Garden, Caledonian Road, Hyde Park Corner, Manor House

Victoria Line: Blackhorse Road, Pimlico

Hadalsame Media