Dawadii ugu badnayd oo uu Shiinuhu ugu deeqay Faransiiska oo Belgium gaartey + Sawirro

0

(Liege) 18 Maarso 2020 – Dayuurad laga soo diray dalka Shiinaha oo sidda dawooyin iyo maryahan san-xirka ayaa ka degtey gegada Liege ee Belgium.

Dayuuraddan oo ah nooca xamuulka ee waawayn ayaa sidda 1 milyan oo baaj oo ah dawooyin ay ku deeqeen laba hay’ad samafal oo Chinese ah, waxaana loo gudbinayaa dalka Faransiiska oo uu cudurkani la degey.

Dalka Shiinaha ayaa haatan kasoo kabanaya halista cudurka coqona oo halkaa kasoo bilaabmay dabayaaqadii bishii Diseembar ee kol hore.

Dalka Faransiiska ayay kiisaska guud marayaan 7,730, waloow aan kiis iyo geeri cusub laga diiwaan gelin 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Dhimashadu waa 175 qof.

Hadalsame Media