Sweden oo hakisay qaxootigii ay dibedaha kasoo qaadi jirtey (Dad Soomaali ah oo ku jira)

0

(Gothenburg) 17 Maarso 2020 – Sweden ayaa sanadkii qaadata qoondo dhan 5,000 oo qaxooti ah – qaxootigan oo laga soo qaado dal 3-aad isla markaana ay nidaamiso QM, ayaa 400 oo ka tirsan waxaa todobaadyadii tegey la siiyey tigidhadii ay ku iman lahaayeen Sweden.

Yeelkeede, Sweden ayaa haatan gebi ahaanba hakisay safarradii ay qaxootigaasi ku iman lahaayeen Sweden ilaa waqti aan la cayimin, sida uu xaqiijiyey Oskar Ekblad oo ka tirsan Waaxda Socdaalka.

Mid ka mid ah dadka xannibaadaas la kulmay waa gabar 29-jir ah oo Soomaali ah oo la yiraahdo Aamina Xaaji Cabdullaahi, taasoo kasoo degi lahayd garoonka Landvetter Khamiista soo aaddan, iyadoo la dejin lahaa  Borås, oo ay nolol cusub ka bilaabi lahayd.

Aamina ayaa Isniintii shalay ahayd waxaa wacay Xafiiska QM ee magaalada Nairobi u fadhiya UNHCR, kaasoo ku wargeliyey in waqti xaadirkan aan Sweden loo safri karin.

”Dadka dhami waxay ka cabsanayaan cudurka corona, waxaan se rajaynayaa inaan dhaqse u imaado Sweden haddii Alle idmo,” ayay tiri Aamina.

Hadalsame Media