Kenya oo qaadday laba tillaabo si ay Somalia EEDDA taagan ugu tirto (Midowga Yurub oo talo soo jeediyey)

0

(Nairobi) 17 Maarso 2020 – Midowga Yurub ayaa Kenya iyo Ethiopia ka codsaday inay agaasimaan kulan madaxeed lagu dejinayo xiisadda ka dhalatay ”xadka” Kenya-Somalia, kaddib markii ay Ciidamada Somalia ay dib u celiyeen malliishiyaad ay Kenya taageeraysey.

Midowga Yurub oo sheegay in ay dagaalkaa ka dhalatay xaalad halis ah isla markaana ay ku barakeceen dad badan ayaa amaanay wefdigii uu Kenyatta u diray magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen tillaabo xiisadda dejinaysa.

“Kulanka la sugayo ee madaxda Somalia iyo deriskeedu waa deg deg. Waa in laga fikiraa tillaabooyin iskaashi xaaladda lagu eegayo kalsoonidana lagu dhisayo,” ayuu yiri MY.

“MY wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda xasillooni iyo iskaashi dhex mara Ethiopia, Kenya, iyo Somalia gaar ahaan dhanka xadka oo ay ku leeyihiin dano iskaga xiran,” ayuu raaciyey qoraalku.

Ururka IGAD ayaa loosoo jeediyey inuu kulanka fududeeyo, si uu marqaati uga noqdo fulinta qodobbada lagu heshiiyo ee siyaasadda iyo amaanka.

“Wada hadalkani wuxuu curiye muhim ah u yahay sii wadista xoojinta iskaashi dhex mara Somalia iyo jaalkeeda caalamiga ah si looga miro dhaliyo shucuur ku dhisan isla xisaabtan iyo saaxiibnimo,” ayaa lagu qoray war saxaafadeedka.

Kenya ayaa si ay wejiga u badbaadsato laba tillaabo qaadday, taasoo ah inay Somalia dusha ka saarto waxa ka dhacay Beled Xaawo iyo Mandheera iyo inay Muqdisho u dirto wefdi sumadeed ujeedkiisu ahaa inay dunida isugu muujiso inay nabad doon tahay, sida ka muuqata warka MY oo iyada siinaya door horseed ah.

Hadalsame Media