Somalia oo loogu geed fariistay xallinta KHILAAF caalami ah!

0

(Muqdisho) 16 Maarso 2020 – Dalka Somalia ayaa muddo dheer kaddib geleeysa xallinta khilaaf caalami ah oo keeni kara inay dagaal isu caddaystaan laba dal oo Afrikaan ah.

MW Masar, Cabdifitaax Al-siisi, ayaa MW Somaaliya, Md Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ka dalbaday inuu kala dhex galo isaga iyo RW Itoobiya, Abiy Axmed.

MW Masar ee Al Siisii ayaa la sheegayaa in uu qoraal rasmi ah shalay (Axad) soo gaarsiiyey MW (Farmaajo) oo uu ka codsaday in wax ka galo xal u helista biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya dhisanayso oo iminka noqday khilaaf istaraatiji ah oo u dhexeeya labada dal.

Waxaa warqaddan Madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar ee Arrimaha Afrika, Abuubakar Xifni Maxamuud oo arrintan sharraxaad ka siiyey Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waa dal muhiim ah, mansab iyo miisaanna leh, isla markaana waxay xiriir fiican la leedahay labada dhinac,” ayuu warkiisa ku bilaabay Md Maxmuud.

”Waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee Ra’iisul Wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na kaalmayn karo”. ayuu daba dhigay Md Maxamuud.

Maxamuud ayaa sheegay in webiga Niil uu 97% yahay isha qura ee ay biyo macaan ka hesho Masar, la’aantiina ay markiiba shaqo waayayaan 4 milyan oo qof, inta kalena ay harraad u go’ayaan, iyadoo biyaha Niil u aragta amaan qoowmi ah, balse dhibka jira wuxuu yahay in heshiiskii 1927-kii uu iyaga u sad burinayo.

Hadalsame Media