(Nairobi) 16 Maarso 2020 – Ciidamada Cirka Kenya ayaa kusoo xad-gudbey hawada Somalia, iyagoo dul maray dhulal ka tirsan Gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo.
Dayuuradahan ayaa hawada Somalia soo galay xilli ay Kenya ku doodaysey inay Somalia ”ku xad-gudubtey dhulkeeda, kaddib markii ay Ciidamada Xooggu ka adkaadeenmalliishiyo ay iyadu taageeraysay oo kasoo weerar galay Degmada Mandheera.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay cabsi ku beereen dayuuradahani, iyadoo ay Kenya Somalia ku duushey 2011-kii, waloow ay kaddib si mugdi ku jiro AMISOM iskugu dartay.
Dhanka kale, warqaadka kahawatungu ayaa ku faanay inay Ciidamada Cirka Kenya Airforce (KAF) ay duullimaad cudud muujin ah ka sameeyeen xadka labada dal iyo meelo ka tirsan Gobolka Soomaalida.
Warqaadka ayaa sidoo kale ku faanay inay Itoobiya jac ku dhejisey MW Somalia Maxamed Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed oo Mombasa kula kulmi lahaa Uhuru Kenyatta.
Mucaaradka inta badan dhaliila DF Somalia oo beri dhowayd aad u eedeeyay Ciidankii Qaranka ayaan marna soo hadal qaadin faragelinta qaawan iyo daandaansiga dhul doonka ah ee Kenya oo adeegsanaysa Soomaali ajendeheeda ku shaqaynaysa.
Hadalsame Media