(Berlin) 16 Maarso 2020 – Saxaafadda Jarmanka ayaa werinaysa muran ka dhex dhashay Jarmanka iyo Maraykanka oo isku haysta sharikad tallaalka samaysa.
Doodda ayaa dillaacday kaddib markii uu MW Maraykanka, Donald Trump, uu shirkad Jarman u bandhigay dalab ah inay usoo guurto Maraykanka oo u samayso tallaalka Coronavirus, kaasoo u gaar noqonaya Maraykanka oo qura.
Warqaadka Welt am Sonntag ayaa qoraya isagoo soo xiganaya ilo ku dhow Dowladda Jarmanka, in sharikaddaasi ay tahay CureVac oo deggan magaalada Baden Württemberg taasoo uu Trump usoo jeediyey inay daraasaadkeeda ula soo guurto Maraykanka, si ay faa’iido badan u hesho.
3-dii Maarso, ayaa la sheegay in Maareeyaha sharikadda Aqalka Cad lagu casuumey, isagoo ay is arkeen Donald Trump iyo xigeenkiisa Mike Pence, balse maalmo yar kaddib xilkii waa laga casiley waxaana beddeley ninkii shirkadda sameeyay.
Yeelkeede, arrintan ayaa dhalisay dood istaraatiji ah xilli uu cudurkani halis wayn ku hayo caalamka, iyadoo uu Wasiirka Ganacsiga, Peter Altmaier, uu sheegay in Jarmanku aanu iib ahayn, mar uu xalay TV-ga ka hadlayey.
“Marka ay timaado danaha Jarmanka iyo kuwa Yurub, Dowladdu way soo faragelinaysaa,” ayuu yiri Peter Altmaier.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa isna Welt am Sonntag u sheegay in dowladdu ay haatan CureVac kala xaajoonayso in ay sharikaddu dalkeeda ku negaato, si loo dhowro danaha Jarmanka.
Hadalsame Media