(Addis Ababa) 16 Maarso 2020 – 35 dalxiisayaal Talyaani ah oo Itoobiya ku sugnaa ayaa iska diidey inay dib ugu laabtaan Talyaaniga kaddib markii uu dhamaaday xilligii ay xaqa u lahaayeen inay joogaan Itoobiya.
War lagu soo qoray barta Twitter-ka oo af Faranji ku qornaa ayaa lagu yiri: ”Markii ugu horreeysey ayay soo galooti reer Yurub ihi Afrika soo galeen.”
Yeelkeede, wax faahfaahin ah lagama bixinin xogtii ugu dambeysey ee dalxiisayaashan Talyaaniga ah ee diiddan inay dib ugu noqdaan dalkooda oo ka mid ah degellada uu aadka ula degey durayga corona.
Caabuqa corona ee Talyaaniga ayaa 20% sare u kacay hal maalin gudeheed, isagoo gaarey 21,157. Iyadoo ay dhinteen 175 qof 24-kii saac ee ugu dambeeyay oo qura, taasoo geerida gaarsiinaysa 1,441.
Si kastaba Ethiopia ayaa lafteedu Jimcihii ku dhawaaqday kiiskii ugu horreeyey ee coron ah, iyadoo ah dalkii 3-aad ee Bariga Afrika laga helo.
Hadalsame Media