(Jannaale) 16 Maarso 2020 – Ciidanka Xoogga Dalka Somalia ayaa 10 sano kaddib la wareegey magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kooxda Al Shabaab oo muddo dheer magaaladan saldhiganaysey ayaa la sheegay in halkaa iskaga baxday kaddib markii ay ka war heshay inay soo ruqaansadeen Ciidanka Xoogga Dalku.
Ciidanka maanta galay Jannaale ayaa kasoo dhaqaaqay dhanka Aw Dheegle oo ay bilo yar kahor la wareegeen ciidanka SNA.
Magaaladan oo muhiimad dhaqaale iyo mid istaraatijiyadeed u lahayd kooxda Shabaab ayaa ka mid noqonaysa dhowr magaalo oo ay bilihii dambe la wareegeen ciidanka SNA ee Somalia.
Hadalsame Media