DF Somalia oo qaadday tillaabo ay lasoo daahday oo ka dhan ah caabuqa corona

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2020 – Waxaa caalamka ruxaya caabuqa corona oo noqday halistii ugu waynayd ee dunida soo marta qarniga 21-aad ee weli curdanka ah.

Waxaa ay kiisasku maanta marayaan 157,188, iyadoo ay kasoo kabteen 75,940 oo qof, halka ay u go’een 5,839 oo qof caalamka oo idil.

Haddaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu dhaliilayey inay si gaabis ah uga jawaabaysey la xaalidda cudurkan, tiiyoo uu Ilaahay Somalia ka badbaadiyey ilaa iminka ayaa qaadday tillaabo soo yara daahday.

DF ayaa ka mamnuucday inay dalka soo galaan muwaadiniinta iyo ajaaniibta ka imaanaya Shiinaha, Iiraan Koofur Kuuriya iyo Talyaaniga, iyadoo dalalkan uu si weyn u saameeyay cudurka Coronavirus.

Hadalsame Media