
(Bergen) 14 Maarso 2020 – Nin 30-jir lagu qiyaasay ayaa xalay laga qabtay saldhigga tareennada Ål ee xaafadda Hallingdal ee dalka Norway, kaddib markii uu dadkii tareenka la saarnaa wejiga uga qufacay, qaarna feerey isagoo marba gees tegaya.
Maamulka magaalada Bergen ayaa amray in tareenka lagu joojiyo saldhigga Dale, sida uu qoray Bergens Tidende.
– Waxaa la qabtay nin dadka ku qufacayey. Wuxuuna markii dambe qirtay inuu qabo cudurka coronavirus, ayay tiri Nina Schage oo warfaafinta ku qaybsan.
Dadkii tareenka saarnaa oo 60 qofood kor u dhaafayey ayaa geddigood lagu amray inaysan dhaqaaqi karin, ilaa uu arrinta ka qiimeeyo dhakhtarkii degmada iyada oo baaritaanno loo qaaday, maadaama boosteejada lagu joojiyey aanay lahayn meel wax lagu baaro.
Ninkan oo ay Booliisku qabteen fiidkii 19.15 ayaa booliiska ku weeraray bootarka kaarboonka ah ee dabka lagu damiyo, sida uu sheegay Maareeyaha Howlgallada Booliiska Qaybta Koonfur Bari Bergen, Øystein Eikedalen, oo la hadlay NTB.
Ninkan ayaysan Booliisku wax diiwaan ah oo hore ka haynin.
Hadalsame Media