CUDURKA CORONA: Qubuuraha cusub ee Iiraan oo cirka sare xitaa laga arkayo & dalal uu cudurka la degey oo soo kabasho muujinaya + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2020 – Muuqaallo dhanka Satellite-ka oo laga qaaday dalka Iiraan ayaa muujinaya qabuuro wadareed dhaqse loogu qoday dadka u le’anaya cudurka coronavirus, sida ay khubaradu aaminsan tahay.

Sawirradan hawada sare laga qaaday ayaa muujinaya qubuuro wadareed ku yaalla magaalada Shiicada u barakaysan ee QM oo aad loo ballaariyey kaddib markii uu cudurka halkaa ka dillaacay bartamihii Febraayo.

Khubaro la hadashay Washington Post ayaa sheegay inuu sawirku muujinayo in halkaa laga qoday qaxaab wayn oo 300 oo cagood dhan, si loogu aaso dadka badan ee magaaladaa ku dhintay.

Waxaa intaa dheer, muuqaallo wareegaya baraha bulshada oo ay dadku ku xaqiijinayaan in godadkaa waawayn la qoday si dadka loogu aaso.

Iiraan oo uu cudurkani si xun u waxyeelleeyay, taasoo qayb ahaan wax laga saarayo xayiraadaha dhaqaale ee dalkaa saaran, ayaa la rumaysan yahay inay dowladdu qarinayso tirada dhabta ah.

Dalka Iiraan oo uu cudurku si xun u halakeeyay ayaa waxaa uu guud ahaan ku dhacay 10, 075, waxaana u dhintay 429, waloow aan kiisas cusub iyo geeri cusubba laga soo sheegin Talyaaniga iyo Iiraanba.

Dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu daran ee uu cudurkani ku dhuftay qaaradda Yurub, ayaa isna muujinaya in aan kiisas iyo geeri cusub maanta laga diiwaan gelin.

Talyaaniga ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaan geliyey 15,113 qofood, waxaana u dhintay 1,016 qofood, waana dalkii ugu geerida badnaa bishii lasoo dhaafay ee Febraayo marka loo eego boqolleeyda dadka guud ee dalkaasi ku nool.

Dalka Shiinaha oo ah isha cudurka ayaa laftiisu soo kabasho muujinayay maalmihii yaraa ee ugu dambeeyay.

Kiisaska guud waa 80,814, halka kiisaska cusubi 21 yihiin, geerida cusubina waa 8, halka ay geerida guud marayso 3,177 qof.

 

Hadalsame Media