Cudurka corona oo CIRBO cajiib ah u noqon kara madaxda Afrika (Akhri sababta)

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2020 – Waxaa dunida xulaya cudurka corona, kaasoo caalamka oo idil marka la isu geeyo ku dhacay 135,168 oo qof, iyadoo ay u dhinteen 4,990 ilaa haatan.

Yeelkeede, meelaha uu cudurkani ilaa haatan ugu yar yahay waa qaaradda Afrika, iyadoo la sheegay inay qayb ahaan ku baxsanayso heerkulkeeda sare, waloow aan taa la xaqiijin karin, dad kale ayaa sheegaya in dadka madowga ihi uu cudurkan adkaysi u leeyahay difaac ahaan.

Ha yeeshee, si kasta oo ay tahayba, haddii uu lacalla qaaradda ku dhufto cudur saf mar ah oo caalami ah, ma jiro kaabe mug leh oo ku filan cudurkan oo kale oo ay gacan ka taageen dalalkii sheeganayey inay dhan kasta ka hormareen.

Nin Kenyan ah oo la yiraahdo Tom Osanjo ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray hadal murti ah oo wax badan xusuusinaya madaxda musuqu la degey ee qaaradda Afrika. Wuxuu soo qoray:

”Dhinaca san ee Corona: Cid kastoo aad ahaataba, haddii uu cudurkani ku haleelo, dawayntiisu waa maxalli. Aragtida ah in kuwa hoggaamiyeyaasha loogu yeeraa ay dayuurad ku boodaan oo dawo u doontaan magaalo reer galbeed ah ma shaqaynayso.”

Osanjo oo sii wata ayaa taabtay halka uu doonayo inuu seefta ku dhufto iyo biyaha dhaca hadalkiisa.

”Ma jiro dal u diyaar ah inuu qaabilo bukaannada Corona. Laga yaabee inay tahay waqtigii ay madaxdeennu maalgelin lahaayeen daryeelka caafimaad ee maxalliga ah isla markaana ay hagaajiyaan tas-hiilaadka caafimaadka…”

Runtii waa cashar iyo cibro.

Hadalsame Media