Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo caabuqa corona dartii uga cararay caasimadda dalkiisa (Halkee aadey?)

0

(Pyongyang) 12 Maarso 2020 – Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyo, Kim Jong Un, ayaa la sheegay inuu iskaga cararay caasimadda dalkaasi, isagoo tegey meel dhanka xeebta ah si uu uga baxsado cudurka coronavirus, sida ay sheegayaan ilo gudeed.

Ilahan oo u warramay warbaahinta South Korea ayaa sheegay in Hoggaamiyuhu uu ka cararay caasimadda Pyongyang oo uu tegey Wonsan oo ku taalla xeebta bari ee dalkaasi, isagoo ka baxsaday cabsida sii kordhaysa ee cudurka corona.

”Ilo sirdoonka falanqeeya ayaa soo jeedinaya in Kim Jong-un oo muddaba ka maqan yahay magaalada Pyongyang,’ ayuu qoray Chosun Ilbo oo soo xiganaya ilo gudeed. ‘Taasoo loo arko mid xiriir la leh dillaaca cudurka  coronavirus.’

Warkan ayaa imanaya xilli la sheegayo in ilaa 180 askari ay u dhinteen cudurkan COVID-19, iyadoo aan wax wacaal ah laga haynin dhanka shacabka, dalkan ay wax kastaahi sir qaran yihiin.

Hadalsame Media