SWEDEN, caabuqa corona oo kordhaya & tirada gobol walba (Gobol ay Soomaalidu ku badan tahay oo uu ku laba-laabmay)

0

(Stockholm) 11 Maarso 2020 – Waxaa maanta gobolka Skåne ee dalka Sweden oo qura laga soo weriyey 35 kiis oo cusub oo ah caabuqa coronaviruset ah.

Taasi waxay ka dhigan tahay in guud ahaan kiisaska gobolkaasi oo iminka laba-laabmay muddo 24 saac ah ay marayaan 60 kiis.

Magaalada Jönköping oo ka tirsan Gobolka koonfureed ee Östergötland, ayaa cunug aad u da’yar laga helay cudurka coronavirus marxaladihiisa 1-aad.

Gobolka ugu darani waa midka Stockholm oo sidoo kale ah caasimadda dalka, halkaasoo ay kiisasku marayaan 207, halka guud ahaan ay Sweden kusii dhow dahay 400 waana 399 kiis.

Dowladda ayaa maanta shirsan iyadoo lagu wado in go’aamo cusub lasoo saaro, waxaana shalay sare loo qaaday heerka faafista caabuqan oo loo dallacay mid aad u sarreeya, halkii uu awal ka ahaa mid sarreeya oo qura, waxaana kasii horreeysey inuu joogey heerka mid dhexdhexaad ah.

Halkan hoose ka arag kiisaska gobollada ee ugu dambeeyay:

XAQIIQ: Imisa qof ayuu cudurku ku dhacay Sweden?

  • 207 personer i Region Stockholm
  • 60 personer i Region Skåne
  • 48 personer i Västra Götaland
  • 22 personer i Region Värmland
  • 13 personer i Region Jönköping
  • 9 personer i Region Halland
  • 8 personer i Region Uppsala
  • 8 personer i Region Västerbotten
  • 6 personer i Region Västernorrland
  • 5 personer i Region Örebro län
  • 2 personer i Region Gävleborg
  • 2 personer i Region Sörmland
  • 2 personer i Region Norrbotten
  • 2 personer i Region Kalmar län
  • 1 person i Region Östergötland
  • 1 person i Region Jämtland Härjedalen
  • 1 person i Region Kronoberg
  • 1 person i Region Dalarna
  • 1 person i Region Blekinge

Guud ahaan Sweden: 399

Hadalsame Media