Somalia oo markale dhex taagan dhiiqo istaraatiji ah oo mar kasta naga hor keenta Itoobiya, balse aysan dan qaran noogu jirin! (Maxaa dhacay?)

0

(Addis Ababa) 11 Maarso 2020 – Wasaarad Dibadeedka Ethiopia ayaa soo saartay War Saxaafadeed rasmi ah oo ay ku muujinayso sida ay “uga xun tahay qaraar” kasoo baxay Golaha Fulinta ee ururka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta, kaasoo ku saabsan biya xireenka ay dhisanayso Itoobiya ee GERD.

Dhamaadkii kalfadhigii 153-aad ee Golahan ayaa qaraarkan laga soo saaray iyadoo lagu sheegayo in la diidey “jebinta xuquuqda taariikhiga ah ee ay Masar ku leedahay webiga Niil.”

Ururka JC oo ka kooban 22 xubnood: ayaa alifbeeto ahaan u qoran: Algeria, Bahrain, Comoros, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Mauritania, Morocco, Oman, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Syria, Tunisia, United Arab Emirates iyo Yemen. Wuxuu sidoo kale leeyahay afar dal oo kor joogayaal ah: Brazil, Eritrea, India iyo Venezuela.

Yeelkeede, dalka Suudaan oo qura ayaa ka gaabsatay u codaynta qaraarkan, waxayna ku doodeen in u codaynta qaraarkan aysan wax dan ihi ugu jirin Suudaan, isla markaana “faragelinta JC ee arrintan ay xaaladda uga sii darayso, isla markaana ay xumaynayso xiriirka dalalka Carabta iyo Itoobiya” sida ku dhigan warqaadka Alarabiya.

Itoobiya ayaa gebi ahaanba qaraarkan ka hor timid, iyadoo sheegtay in dalalka JC ay “taageero indho la’aan ah siiyeen qaraarkan” iyagoo aan wax baaraan deg ah siinin wada hadallada soconaya, sida ku cad War Saxaafadeedka.

Ethiopia ayaa sidoo kale aad ula dhacday mowqifka Suucdaan oo ay ku sheegtay inay “noqdeen cod waaqici ah oo cadaali ah.”

Yeelkeede, Somalia oo aanay jirin wax sidaa u buuran oo ay ku qabto JC marka laga reebo xaqal jeebka la siiyo madaxda dalalkaa booqata, ayaa markale u muuqata mid ku dhex dhacday dabin istaraatiji ah oo aysan jirin wax dan ah oo kasoo raacaya.

Dadka aadka u dhuuxa xiriirka caalamiga ah ayaa dareensan in xitaa Dagaalkii 77 aanu ujeedkiisa 1-aad ee ay dalal badan oo Carab ihi (sida Sucuudiga iyo Masar) dabada uga riixayeen ay ahayd in Somalia can tallaal looga dhigo oo Itoobiya lagu mashquuliyo si aan loo gelin doodda biyaha Niil qaybtiisa buluugga oo ka yimaada Itoobiya, sida ay sheegeen madaxdii Carabta ee xilligaas qaarkood oo caddeeyay ”inaysan waxba ka gelin xoraynta dhul Soomaaliyeed.”

Dad badan ayaa qaba in Somalia looga fadhiyo inay aad uga taxadarto in Itoobiya iyada laga hor keeno si loo xasiliyo danta Masar, loona duugo midda Somalia, maadaama aysan JC waxba u qaban xitaa markii ay Itoobiya qabsatay caasimadda Somalia ee Muqdisho oo ay arrinta si iskood ah ula xaaleen Soomaalidii damiirka lahayd.

Dhanka kale, ururka JC ayaan lahayn micne siyaasadeed, mis dhaqaale, mid istaraajiyadeed iyo mid bulsho, waana urur kaliya u dhisan qoraallo inta badan cambaarayn af kala bax ah oo laga soo saaro kulamada qado ee ay yeeshaan.

Ma laha si kale oo uu micne u sameeyo sida in loo gurmado dalkii lasoo weeraro, in dalalka saboolka ah ee ku jira kaalmo dhaqaale la siiyo, isu socod furan oo ka dhexeeya ganacsiga, dadka, adeegyada iyo badeecooyinka iwm.

SOO JEEDIN – Waxaa wanaagsan in la naqtiimiyo siyaasad dibadeedka Somalia, isla markaana lagu saleeyo oo qura wixii ay dani ugu jirto Somalia, si dadban iyo si toos ah intaba.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media