(Nairobi) 11 Maarso 2020 – Kenya iyo Djibouti ayaa haatan iskula xiran xarig badeedka badda gunteeda mara ee Dare1, kaasoo todobaadkan soo gaarey magaalada Mombasa.
Xariggan oo ah nooca internet-ka xawaaraha badan xambaara, looguna tala galay in uu gacan ka gaysto isku xirka Geeska Afrika, isla markaana gaaraya 5,000-km ayaan weli si rasmi ah xarigga looga jarin, isagoo sugaya tijaabooyin soconaya bilaha soo aaddan.
Xariggan ayaa isku xiraya dalalka Djibouti, Somalia iyo Kenya iyadoo uu jiro dookh ah in la gaarsiiyo Tanzania.
Waxaa xariggan oo 1-kii ilbiriqsi tuuraya internet xawaarihiisu yahay 30 Terabit ayaa waxaa isla leh dallad ay leeyihiin sharikaad isgaarsiineed oo Bariga Afrika ah sida Djibouti Telecom, Somtel, Telkom Kenya iyo SubCom ayaa lagu qiyaasayaa inay ku bixi doonto adduunyo dhan $86 milyan oo doollar, iyadoo uu 100Gbps yahay mugga halkii hir-baac.
Kenya ayaa horay u haysatey ilaa 3 xarig oo ah kuwa fibre optics-ka, iyadoo uu weli aad u liito xawaaraha internet-ka qaaradda Afrika, isla markaana uu qaali yahay marka loo eego awoodda wax iibsi ee celceliska ah, sida guud ahaanba kaabayaasha muhimka ah ee ay ka liidato qaaraddu.
Hadalsame Media