”Waxaa jira wax la isku khilaafo iyo wax aan la isku khilaafi karin!”

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2020 – Sh. Maxamed Idriis ayaa markale ka hadlay arrin beryahan aad loo hadal hayo oo ah inay soo bexeen siyaasiyiin aad u dhaleeceeya ama ugu yaraan isku daya inay suurad xumeeyaan Ciidamada Xoogga oo ah rukunka ugu muhiimsan ee qaran ku istaago.

Wuxuu soo qoray sidatan: ”Korona virus adduunka waalay oo bani aadam tabardarradiisa Ilaahay mar kale ku tusay Allaha naga badbaadiyo, shartiisana dhinac Allaha naga mariyo annaga iyo inta muslimkaa oo dhan, aamiin!!

Wuxuu ka hadlay arrin ay aad uga walaacsan yihiin siyaasiyiin badan oo ka tirsan kuwa dhaliila DF Somalia.

”Siyaasiyiinta soomaalida qaarkood oo iyana (gor gor) iyo (Haramcad) ciidan la yiraahdo cudur ku noqday, (ashtakana uga gudbinaya beesha caalamka iyo turkiya!) Yaab!!! Iyana Allaha caafiyo, kuna hanuunsho iney ogaadaan ciidanka in iyaga iyo qaranku leeyihiin, ee nimanka ay is hayaan lahayn!!

Sheekha ayaa siyaasiyiinta tusaaleeyay inaysan khalad ahayn in la dhaliilo DF Somalia oo khaladaad fara badan lafteedu gasha, balse uu jiro xad aan laga tillaabin.

”Khalad dhacay haduuba jiro, aan loo burburin!! Dawladda wax badan baa lagu khilaafsanyahay oo anaaba ku khilaafsan! Hayeeshee waxaa jira wax la isku khilaafo, iyo wax aan la isku khilaafi karin!!”  ayuu warkiisa kusoo af jaray.

Hadalsame Media