SIR CULUS: Itoobiya oo dalbatay gantaalaha NUKLIYEERKA xambaara & dalka ay isha ku hayso + Sawirro & Muuqaal

0

(Paris) 10 Maarso 2020 – Warqaadka siyaasadda ka faallooda ee todobaadlaha ah ee Le Point ayaa kashifay dokumentiyo qarsoodi ah oo uu RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ka dalbaday Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee Palace, kuwaasoo ay ku jiraan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Rafale, kuwa qumaatiga u haada iyo gantaalaha nukliyeerka.

22-kii Luulyo 2019-kii, Ahmed ayaa warqad rasmi ah u diray MW Faransiiska ee Emmanuel Macron isagoo waydiistey inay dalkiisa ka kaalmeeyaan dhanka xoojinta iyo tayaynta ciidamada cirka dalkiisa oo ay ku qalabaynayaan agab dagaal oo casri ah.

Waxaa taxa uu dalbaday ku jira 12 dayuuradood oo ah Rafale iyo Mirage 2000), 18 helakabtar, 2 dayuuradood oo kuwa xamuulka ciidamada ah oo ay samayso Airbus, 10 Daroon, hannaanka tashwiisha danabeed fura iyo ilaa 30 gantaal oo ah nooca M51 oo masaafo ahaan gaari kara 6,000 km, isla markaana xambaari kara madaxyada nukliyeerka.

Wargayska ayaa tilmaamay in dalabka RW Ahmed ee hubkan qaadi kara nukliyeerku uu sharci darro yahay, maadaama ay France iyo Ethiopia wada saxiixeen heshiiska ka hor tagga fidista nukliyeerka (NPT).

Waxaa la rumaysan yahay in cidda koowaad ee ay Itoobiya hubkan u diyaarsanayso ay noqon karaan Somalia oo uu hardan soo jireen ihi kala dhexeeyo iyo Masar oo ay isku hayaan biyaha Niilka.

“Haddii ay noqoto inaan Masar la dagaalno Biya xireenka GERD dartii, waxaan soo dumi karnaa milyan qof, balse wada xaajood baan door bidaynaa.” ayuu bishii Oktoobar ku faanay Abiy Ahmed.

Hadalsame Media