Maxaa ka jira inay BURCAD BADEED Soomaali ihi qabsatay shixnadda maanta dunida ugu QAALISAN?!!

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2020 – Burcad badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay weerareen markab tankar ah oo sida 2 milyan oo fuusto oo ah badeecada maanta dunida ugu qiimaha ah, oo ah dareeraha gacmaha looga nadiifiyo caabuqa.

Warkan oo uu qoray web qura oo aan sidaa loo xaqiijin karin warkiisa, ayaa markabkan oo sida 3 milyan oo litir oo ah jeelka hydro-alcoholic oo jidadka ka jiiga 6 bilyan oo geni, la qabsaday isagoo u shixnadan dhanka UK, iyadoo ay burcad badeeddu madax furasho ahaan u dalbatay 50m oo gini iyo 50,000 oo xirmo oo ah xaashiyaha musqulaha.

“Dookh kale ma hayno aan ka ahayn inaan lacagta bixinno,” ayuu yiri afhayeen u hadlay dowladda UK oo doonaya inuu la xaajoodo burcad badeedda, ayuu qorayaa webka Newsthump.com

“The nation is desperate for the tanker to arrive in the UK, the entire country is on the verge of anarchy without adequate access to hand sanitiser, and this hijacked vessel could put us back weeks if we can’t resolve it quickly.

UK ayaa waxaa fara ba’an ku haya cudurka corona, iyadoo aad ugu baahan maadadan.

Waxaa la filayaa in halkaa loo diro ciidamada gaarka ah ee SAS marka uu aasku madoobaado si ay u soo furtaan shixnadda, iyadoo uu TOM Hanks – jilaagii Captain Philips – uu film ka samayn doono bartamaha 2025.

FG: Marka dhinacyo badan la eego, warkani waa mid runta ka fog.

Hadalsame Media