Caasimadda Galmudug oo laga bilaabay mashruucii ugu ballaarnaa tan iyo burburkii + Sawirrada & Naqshadda

0

(Dhuusamareeb) 10 Maarso 2020 – Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta daahfuray Mashruuca dhismaha Madaxtooyada Galmudug iyo Saddax wasaaradood oo kale oo loo dhisayo maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daaha ka rogey mashruucan horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaashan oo muhim u ah mug-dhisidda Maamulka Galmudug.

Wasaaradaha maanta la dhagax dhigay, marka laga soo tago Madaxtooyada casriga ah ee loo dhisayo Galmudug, ayaa kala ah; Wasaaradaha Maaliyadda, tan Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Amniga.

Waxaa mashruucan hirgelinta farsamo ahaan iyo maaliyad ahaanba iska kaashanaya DF, DGM iyo hay’adda SSF, waana mashruucii ugu qara waynaa ee laga fuliyo degaanka Galmudug wixii ka dambeeyay burburkii.

”Ma aha dhagax dhige waa daah fur iyo shaqa bilow” ayuu yiri Qoor Qoor oo u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka gaysatey qabsoomidda mashruucan muhimka ah.

Qoor Qoor oo ah Madaxwaynaha dooran ee Galmudug ayaan weli si rasmi ah xilka ula wareegin, isagoo aan weli soo magacaabin golaha wasiirrada heer gobol.

Sidoo kale waxaa hor yaalla khilaafaad yar yar oo weli ku furan iyo xoraynta dhulalka maamulkaasi ku magacaaban yahay ee ay weli ka taliso kooxda Shabaab, balse tillaabadan ayaa loo arkaa mid muhim u ah hanaqaadka maamulkaasi oo ay khilaafyo la degeen.

Mashaariicdan oo lagu wado inay soo afjarmaan dabayaaqada sanadkan 2020, ayaa waxaa horay u saxiixay Madaxwaynihii hore ee Galmudug, Md Xaaf.

Hadalsame Media