XOG: Maxaa ka RUN ah warka sheegaya inay Puntland saldhig siinayso kooxda ASWJ?

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2020 – Waxaa tan iyo markii ay madaxdii kooxda la magac baxday ASWJ ka bexeen magaalada Dhuusamareeb oo ay gaareen magaalada Garoowe soo baxayey warar kala geddisan.

Madaxda ASWJ sida Macallin Maxamuud iyo Shaakir ayaa horay u sheegay inay ”u tanaasuleen” danta dadwaynaha kaddib markii uu dagaal ka dhacay Dhuusamareeb looga wareejiyey dhowr gaari oo hub ah, iyadoo uu weliba Macallinku sheegay inuu siyaasaddaba iskaga baxay.

Yeelkeede, waxay wax kastaahi is bedeleen markii ay war saxaafadeed kasoo saareen Garoowe, taasoo ay aad ugu dhaliileen DF Somalia oo ay ku eedeeyeen dagaalka Dhuusamareeb, iyadoo ay wararka qaar sheegayeen inay kasoo jabhadayn karaan degaanno ka tirsan Puntland.

Ilo xog xogaal ah oo uu Hadalsame Media arrintaa wax ka waydiiyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheekada ku saabsan saldhigga ciidan, balse waxaan meesha laga saarin inay siyaasadda kusii jiri karaan.

Odayaasha Dhuusamareeb ayaa durba Puntland uga digey tillaabo kasta oo carqalad maxalli ah ka abuuri karta degaanka maamul kasta, taasoo yeelan karta cawaaqib rogaal ah oo aan cidna u roonayn, sida ay yiraahdeen.

Hadalsame Media