(Riyaad) 07 Maarso 2020 – Dhaxal sugaha Sucuudiga Carbeed, M. bin Salmaan ayaa xabsiga u taxaabay 3 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada, kuwaasoo uu ku jiro xitaa adeerkii la dhashay aabbihii Boqor Salmaan bin Cabdulasiis, Amiir Axmed bin Cabdulasiis.
New York Times ayaa werinaya in aan xiristan la raacinin wax sabab ah, waloow ay wararka qaar sheegayaan in lagu eedeeyay qorshe afgembi, iyadoo ragga kale ee la xirey ay kala yihiin Amiir M. bin Nayef iyo walaalkii.
Xiritaannadan ayaa lala xiriirinayaa dagaal gudeedka iyo hardanka ka dhex jira qoyska reer Boqor, tan iyo markii uu yimid MBS oo xitaa dhaxal sugannimada ku yimid si aan raacin qaabkii xilkaa lagu tegi jirey, taasoo keentay qanaaco la’aan iyo kala shaki badan.
Ninkan oo haddaba loo arko hoggaamiye beenaadka dalkaasi ayaa dusha ka haya xilalka muhimka ah sida gaashaandhigga, dhaqaalaha iwm, waxaana loo arkaa inuu durba yahay nin abuuraya khilaaf fara badan kahorba inta aanu xilka ka dhaxlin aabbihii Boqor Salmaan oo 81-jir ah.
Bishii Sebtembar waxaa la qabqabtay xubno gacan muggeed ah oo ay wadaaddo saamayn lihi ku jiraan, wax ay gayfanayaasha xuquuqda insaanku ku tilmaameen aamusin iyo gacan birayn.
Hadalsame Media