(Hargaysa) 07 Maarso 2020 – Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa ka dhawaajiyey in aanay weli dhimanin himiladii shanta Soomaaliyeed isagoo leh “shantii Soomaaliyeed inagamay dhimanin, waxaan se lilaynaa in shantii oo xor ihi ay isa soo doontaan.”
Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde ayaa ka qiseeyay himilada Itoobiya oo uu sheegay inay leedahay hiraal fog oo ay aalaaba ugu haliilayso sidii ay ku heli lahayd meel uun ka tirsan badda Somalia.
”Himilooyinka caynkaas ihi ma dhintaan dee.” ayuu ku bilaabay Jirde.
”Annagaba himiladii Soomaaliwayn nagamay dhiman. Shantii Soomaaliyeed, inagamay dhimane wadcigan ayaa xidhey, waxaana filaynaa in maalin uun shantii oo xor ihi inay isa soo doontaan.” ayuu rajeeyay Jirde.
Jirde ayaa sheegay in himilooyinka noocaas ihi ay naf adag yihiin oo aanay abid dhiman, sida midnimada Carabta oo kale.
Jirde ayaa ka digey isu dhiibidda iyo aaminaadda qiirada ku dhisan ee RW Itoobiya ee Abiy Ahmed. ”Abiy baa adeerkeen ahoo, wax wanaagsan inoo wada oo, waa waxyaabaha lagu sirmo.” ayuu ku dooday.
Wuxuu soo jeediyay in dadka yaqaanna Xeerka iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaalida ihi ay inta kulmaan daraasadeeyaan sidii looga badbaadi lahaa waxa mandiqadda ka socda, sida uu yiri.
Hadalsame Media