Maraykanka oo geesinnimo & garaad u qiray ciidamada uu tababaro ee DANAB (Qorshaha Maraykanka)

0

(Washington, DC) 06 Maarso 2020 – Somalia iyo Maraykanka ayaa u dhaqaaqaya dhanka caadiyaynta xiriirkooda, isaga oo xiriir intii hore ka qoto dheer la samaysanaya Muqdisho, sida lagu qoray Washington Examiner, oo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Ma jiro Black Hawk Down dambe, Maraykanka iyo Somalia waxay u midoobeen la dagaallanka argagixisada.”

Wuxuu tixraacayey dagaalkii 3-dii Oktoobar 1993-kii Xamar ka dhacay ee Battle of Mogadishu, kaasoo lagu diley 18 askari oo Maraykan ah, 2 dayuuradood lagu soo ridey, duuliye lagu qabsaday, gawaari badan oo qafilanna lagu burburiyey, xilli uu Maraykanku cayrsanayey Jen. Maxamed Faarax Caydiid (AUN).

“Ma jirto Black Hawk Down hadda kaddib,” ayuu yiri Danjiraha Somalia u fadhiya Maraykanka, Cali Shariif Axmed, oo la hadlay Washington Examiner. “Xiriirkeenna Maraykanku wuxuu marayaa meeshii ugu wanaagsanayd.” ayuu daba dhigay.

“Kaalmada dhanka amaanka ee uu Maraykanku siinayo Somalia waa qayb asaasi ah dadaallada aannu kula shaqaynayno dadka iyo Dowladda Somalia si loo helo nabad iyo xasillooni si dalka dib loogu dhiso,” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Donald Yamamoto, oo tilmaamay in nabad Somalia ka islaaxda ay dan u tahay gobolka oo idil.

Wargayska ayaa sheegay in Maraykanku uu qaab cusub u wajahayo Somalia taasoo ah inuu la shaqeeyo “Dowladda Dhexe” taasoo qayb ka ah dadaal caalami ah.

Tusaale ahaan, waxay Somalia todobaadkan soo ceshatey xiriirkii rasmiga ahaa ee Bankiga Adduunka muddo 30 sanadood ah.

Bishii Febraayo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay Somalia u qalanto in qaanta laga cafiyo taasoo dhan $5.3 bilyan oo doollar.

LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA

“Al Shabaab waa kooxda ugu naxariis daran ururrada hoos taga Al Qaacida, waayo waxay laayaan dadka rayidka ah. Waana shaqadeenna inaan ka ilaashanno danaheenna.” ayuu yiri Jen. Stephen Townsend oo bishii hore ka hadlayey kulan ciidamada lugta Afrika loogu qabtay Ethiopia, iyadoo ay Maraykanka 500 oo askari ka joogaan Somalia.

Qaar ka mid ah askartaasi waxay tababaraan Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo ay sidoo kale hawada ka taageeraan howlgalladooda.

“Unugaha Danab dhaqse ayay wax u bartaan, una dagaallamaan,” ayuu mid ka mid ah tababarayaashu u sheegay Washington Examiner. “Tani wax wayn bay ka taraysaa amaanka dalka Somalia guud ahaan.”

“Ciidamada Amaanka Somalia waxay muujinayaan inay leeyihiin talis iyo kala sarrayn ay ku xakameeyaan ciidamadooda, waxay sidoo kale haysan karaan meelaha ay ka qabsadaan Al Shabaab,” ayuu yir Gaashaanle Charles Bergman, oo ka tirsan howlgallada Africa Command ee Africa. “Waxay kasbanayaan xushmadda iyo kalsoonida dadwaynaha Soomaalida.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media