(Nairobi) 06 Maarso 2020 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo, ku cadaadiyey inuu dejiyo xiisadda xuduudda Somalia iyo Kenya, sida uu qoray Nation.
Maalin uun kaddib markii ay Kenya Somalia ku eedaysay inay ”ku xad-gudubtey madax bannaanideeda geyi”, MW Farmaajo ayaa wacay dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo lasoo qaaday in xiisadda la dejiyo, sida ay sheegeen diblomaasiyiin ku dhow Nairobi, waloow aysan dowladdu weli si shaac ah uga hadal.
AMAANKA
Villa Somalia ayaa war ay soo dhigtay Twitter, ku sheegtay in “MW Farmaajo iyo MW Kenyatta ay hoosta ka xarriiqeen in uu isku xiran yahay amaanka labada dal, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara is fahmi waa.”
Somalia ayaa sheegtay inay Kenya isku af garteen in la sameeyo guddi isku dhaf ah si sare loogu qaado diblomaasiyadda iyo wada shaqaynta labada dal, gaar ahaan amaanka, ganacsiga iyo isu socodka.
Sida uu sheegay Nation oo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed, waxaa Somalia arrintan ku cadaadiyey dalka Maraykanka oo sheegay in aan loo baahnayn colaad iminka dhex marta labada dal.
Hadalsame Media