(Nairobi) 05 Maarso 2020 – Qoowmiyadaha Kikuyu iyo Kalenjin ayaa lagu taxay dhamaanba xilalkii adeegyada bulshada, halka ay Soomaalidu tahay qoowmiyadda ugu xilalka yar, sida ku cad sahan uu sameeyay Guddiga Adeegga Dadwaynaha Kenya intii u dhaxaysey 2018 ilaa 2019-kii.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa in qoowmiyaadka Luo iyo Kisii ay aad ugu badan yihiin xafiisyada dowladda, halka Luhya, Mijikenda iyo Turkana ay xilalkaa ku yar yihiin.
Warbixintan oo eegaysey sida looga soo baxay meel marinta Qodobbada 10-aad iyo 232-aad ee Dastuurka Qaranka, ayaa caddaysay in Kikuyu oo ah 6.6 milyan ay adeegga dadwaynaha ka haystaan 45,401 oo boos, taasoo ka dhigan 17% xilalkii dowladda.
Soomaalida oo ah 2.4 milyan (waloow la sheegay inay ka badan yihiin), ayaa haysta 4,664 marka la eego boosaska dowladeed, waana 6.25% oo qura.
Taa barbardhig tusaale ahaan qoowmiyadda Kisii oo ka yar Soomaalida oo ah 2.2 milyan, waxay haystaan 16,235 oo boos.
Kalenjin-ta oo ah 4.9 milyan oo qof, ayaa haysata 12.9%, waana 35,541 oo boos.
Luo oo 4 milyan ah ayaa waxay haystaan 10.6% waana 25,895, waxaana aad ugu dhow Kamba-ha oo ah 3.9 milyan oo haysta 10.2% oo xisaabta guud ka ah 19,906 oo boos.
Qoowmiyadda ugu sii darani waa Turkana oo kaliya haysata 1,516 waana 2.6%, iyagoo tiro ahaan 1 milyan lagu qiyaaso.
Luhya oo haysata 14% oo ah 25,398 boos ayaa la sheegay in weli xaq ka maqan yahay maadaama ay tiro ahaan yihiin 5.3 milyan oo qof.
Hadalsame Media