QORSHE CUSUB: Somalia iyo Kenya oo isu bahaysanaya qabashada hal arrin

0

(Nairobi) 05 Maarso 2020 – Kenya iyo Somalia ayaa isku raacay inay sameeyaan guddi isku dhaf ah si fiyuuska looga saaro xiisadda mar kale kasoo cusboonaatay labada dal.

MW Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar ay telefoon ku wada hadleen ku heshiiyey inay isla eegaan dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta amaanka xuduudda, sida ku qoran Nation.

Xiisadda ka dhex oogan Nairobi iyo Muqdisho ayaa markale Isniintii oogantey kaddib markii uu qarxey dagaal culus oo dhex maray Ciidamada Gaarka ah ee Somalia iyo malliishiyaad ay dabada ka riixayso Dowladda Kenya oo ku sugnaa Mandheera, taasoo keentay inuu Kenyatta Somalia ku eedeeyo “inay kusoo xad-gudubtey” madax bannaanida geyi ee dalkiisa.

Somalia ayaa iyaduna Kenya ku eedeeysay inay marti gelinayso ninka baxsadka ah ee Cabdirashiid ”Janan”, oo horay u ahaan jirey Wasiirka Amaanka Jubbaland.

Danjiraha Somalia ee QM Abuukar Daahir Cismaan ayaa isna Kenya ku eedeeyay inay kusoo xad-gudubtey Somalia, isagoo sheegay inay si gaar ah faragelin ugu hayso arrimaha gudaha Somalia, sida Jubbaland.

Waxaa la sugayaa inay labada dal ay maalmaha soo socda ku dhaqaaqaan inay qaadaan tillaabooyin lagu dejinayo xiisadda, iyadoo ay xildhibaanno badan oo Kenyan ihi ay Kenyatta ku cadaadinayaan inuu joojiyo macaamilka aysan ka raalli ahayn dowladda Somalia.

Hadalsame Media