(Washington, DC) 05 Maarso 2020 – DF Somalia ayaa maanta jidka u xaartey fursad ay maaliyad uga heli karto Jamciyadda Horumarinta Caalamiga ah ee IDA, taasoo ka caawinaysa caadiyaynta xiriirka Bankiga Adduunka.
Somalia ayaa tillaabadan kaddib si rasmi ah u heli doonta tas-hiilaad cusub iyadoo sidoo kale galaangal u yeelan doonta kaalmo maaliyadeed iyo qaanta laga cafiyo, iyadoo la raacayo hannaanka lagu caawiyo dalalka farqiga ah ee qaamaha lagu leeyahay ee HIPC loo yaqaan iyo midka kale ee dalalka qaba daymaha ay dalal kala duwani leeyihiin ee MDRI, si looga caawiyo kobaca dhaqaale iyo soo kabashada sanadaha soo aaddan.
“Waxaa u hambalyaynayaa DF Somalia oo gaartey meeshan muhimka ah ee u ogolaanaysa inay kaalmada ugu macquulsan ka hesho Bankiga Adduunka si loo wanaajiyo nolosha dadkeeda,” ayuu yiri Axel van Trotsenburg, oo ah Maareeyaha Howlaha ee Baanka Adduunka.
“Tani waxay dhardhaaraha u dhigaysaa soo kabasho dhaqaale iyo mid bulsho oo muddo dheer ah. Waxaan u mahad celin lahaa Dowladda Norway oo saqinnimo ka muujisay inay Somalia ka bixiso carbuun dayneed.” ayuu daba dhigay.
Norway ayaa Somalia ka bixisay $365.9 milyan oo doollar si looga bixiyo lacagtaas oo shuruud u ahayd inay Somalia u gudubto marxaladdan ay kaalmo deeq iyo dayn ah uga heli karo IDA, Bankiga Adduunka, Hay’adda IMF iyo Baanka Horumarinta Afrika.
Kulan ay Guddiga Fulinta Bankiga Adduunku ay todobaadkii tegey yeesheen, waxay ku amaaneen isbedello ay Somalia ka samaysay dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha, isla xisaabtanka, bulshada iyo dib u habaynta hannaanka maaliyadda, taasoo Somalia ka caawisay inay meeshan soo gaarto.
Hadalsame Media