(Hadalsame) 05 Maarso 2020 – Soomaali haddaan nahay waxaa nahay dad masaakiin ah oo laab-la-kac iyo caaddifad Rabbi ku ibtileeyay. Si fudud ayaan wax u hilmaannaa si fududna cadaawad, balo iyo baas baa noogu abuurma. Haddana waxaynnu nahay dad laabxaaran oo si fudud lagu xerogalin karo wax walba oo horana si dhib yar ku hilmaama. Waana taas sababya adduunku noogu aqoonsaday in aynnu nahay dad “aan la saadaalin karin.”
Caawa waxaa meel walba la la taagan yahay “MAXUU ABII AXMED DAGAALKII 77 UGU DABBAALDEGAYEEY, WAA WAREEY! waayo waxaa naga dhaadhacday in Abii Axmed yahay walaalkeen dhab ah markaas maadaama uu joojiyay u yeerashadii Itoobiya ee madaxda maamullada Soomaalida uu na dulmigii ka dulqaaday Dawladda Soomaalida (KILIL 5), markaas baan sidii caadada inoo ahayd 100% laabteennii caaddifidda badnayd Abii Axmed u furnay annaga oo aan iswaydiin isbeddallada uu Abii Axmed ku sameeyay hab-dhaqankii madaxda Itoobiya ee Soomaaliya waa maxay u jeeddadiisu?
Ma danaha qaranka dalkiisa darteed buu sameeyay mise annaguu na jecel yahay? Halkii ay ahayd in aan danaheenna qawmigi ah iyo kuweenna istaraatiijiyadeed ee mustaqbalka uga ga faa’idaysan lahayn isbeddalka Itoobiya ka dhacay ayaan caaddifad iyo laab-la-kaceenni xumaa la soo shirtagnay.
Itoobiya waligeed waa xusi jirtay guushii dagaalkii 77 wayna xusi doontaa ama Abii Axmed madax ha u ahaado ama nin kale ha yimaadee. Annaga waxaa na la gudbooni waa in aan xusno kummaannaankii askar iyo shacab ahaa ee aan dagaalkaas ku waynay iyo kumannaankii ku curyaamay ee qaarkood ilaa maanta dayaca la jiifaan.
Waxa kale oo madaxda Soomaalida la gudbooni waa in ay madaxda Itoobiya kala hadlaan xuska dagaalkaas ku na yiraahdaan “haddii aan rabtaan in gobolka Geeska iyo bariga Afrika waa cusub loo furo ummadaha ku noolina nabad iyo barwaaqo ugu wada noolaadaan waa in aad joojisaan kaakicinta boogihii hore sida u dabbaaldegidda iyo guulsheegashada dagaalkii 77-kii, haddii aan xusaynana aan labo dal ahaan si wadajir ah u wada xusno annaga oo aan midkeenna guul sheeganayn balse ka wada xun burburkii iyo baabi’ii ummadeenna sida Germany iyo France u wada xusaan dagaalladii WW1 iyo WW2”.
Waxaa Qoray: Cali M Diini
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan
Hadalsame Media