Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu caabuqa corona ku dhacay MBZ?

0

(Abuu Dabeey) 05 Maarso 2020 – Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaxal sugaha Imaaraadda Abuu Dabeey ee Mohammad Bin Zayed la karaantiilay kaddib markii uu ku dhacay caabuqa corona, kaasoo iminka aad loogu faafinayo baraha bulshada, gaar ahaan Twitter.

“Waxaa la xaqiijiyey in dhaxal sugaha Imaaraadda Abuu Dabeey ee Mohammad Bin Zayed isbitaal Cleveland ee Abuu Dabeey la dhigay. Waxaana kaddib lagu karaantiilay qasrigiisa, isagoo cudurka coronavirus ka qaaday adeegto Filibiin ah oo uu u shaqaynayey. Waxay dad ku dhowi sheegayaan inaan maalmo la arag.” ayuu u qornaa war lasoo dhigay Twitter.

War kale oo laga soo xigtey Abdullah al-Taweel oo nin xogaha qarxiya ayaa sheegay in “uu warka ka helay ilo ku dhow qoyskiisa”.

Qof kale ayaa Twitter ku sheegay in MBZ uu caabuqu haleelay mar uu kulan la yeeshay sarkaal sare oo Iiraani ah, isagoo daliishanayaa in siyaasiyiin badan oo reer Iiraan ah uu cudurku ku habsadey.

Shirka oo qarsoodi ahaa ayaa la sheegay inuu la yeeshay Guddoonka Guddiga Siyaasadda Dibedda Iiraan Md Mojtaba Zonnour.

Weli wax war ah oo rumayn iyo beenin ihi kama soo bixin dhanka Imaaraadka Carabta iyadoo dhowr koonto uu hawada ka saaray Twitter oo ku eedeeyay been abuur.


Hadalsame Media