(Milano) 05 Maarso 2020 – Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu warramayaa inuu u furan yahay inuu Milan sii joogo xitaa fasal-ciyaareedka soo aaddan, balse wuxuu u baahan yahay damaanad ka timaada dhanka Maareeyaha Guud ee Ivan Gazidis.
Gazzetta dello Sport ayaa maanta qoray in macallinka Ralf Rangnick oo la sheegay inuu Milan qabanayo “uusan doonayn Zlatan” inuu lasii joogo Rossoneri, balse weriyohooda Nicoló Schira ayaa haatan sheegaya in wakiilka Zlatan ee Mino Raiola uu diyaar u yahay inuu la hadlo Gazidis.
Arrinta Ibra ayaa noqotay mid dhalisay dood culus, kaddib markii ay isku dheceen maamulka Milan, taasoo keentay shaki ku aaddan inay tegayaan Zvonimir Boban iyo Paolo Maldini oo kooxda Milanello ugu qaybsan dhinacaya farsamada.
Xiddiggii hore ee LA Galaxy ayaa Milan ku yimid 6 bilood oo la dheerayn karo, waxaana haatan la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu sii joogo haddii ay is waafaqaan jidkiisa iyo midka maamulku.
Zlatan ayaa boggiisa Instagram kusoo qoray war siyaabo kala duwan loo fasiran karo: “Shucuur wax ku samee amaba iskaba daa.”
Hadalsame Media