XOG: Imaaraadka oo kansalay qorshe uu saldhig ciidan uga samaysan lahaa Berbera

0

(Abu Dabeey) 04 Maarso 2020 – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kansashay dhismaha saldhig ciidan oo ay horay u sheegtay inay ka samaysanayso magaalada Berbera, sida lagu qoray Horndiplomat.

Sida uu daabacay maalinlaha Imaaraatiga ah ee The National, oo Eritrea saldhig ku lahaa tan iyo 2015-kii ayaa kansalay qorshe ay mid kale kaga samaysan rabeen Somaliland oo ay doodi ka timid.

12-kii Febraayo 2017-kii, Baarlamanka Somaliland ayaa si aqlabi ah u meel mariyey heshiis Imaaraadka u saamaxaya in uu saldhigyo cireed iyo kuwo badeed ka samaysto Berbera oo ah magaalo istaraatiji ah.

Imaaraadka ayaa xilligaa kaddib xaar xaarayey goobo ka tirsan dekedda iyo garoonka Berbera oo wax ka yar 300km (190 mayl) u jirta koonfurta dalka ay dagaalladu la degeen ee Yaman oo uu Imaaraadku ka mid yahay dalalka kharaabiyey.

Lama oga waxa Imaaraadka oo cadaadis kala kulmayay DF Somalia ku dhaliyey go’aankan.

Hadalsame Media