(Nairobi) 04 Maarso 2020 – Kenya ayaa lagu wadaa in maalmaha yar ee soo socda ay bilowdo wada hadal ku saabsan sidii ay ciidamadeeda ugala bixi lahayd Somalia, gaar ahaan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sida uu ogaadey warqaadka Nation.
Wada hadalkan oo ay hoggaaminayso Wasiirka Gaashaandhigga, CS Monica Juma ayaa qayb ka ah qorshaha ay guud ahaan AMISOM uga baxayso Somalia ee 2021, kaasoo loo qorsheeyay in amaanka dalka lagu wareejiyo Ciidanka Amaanka Somalia.
Wada hadalkan ayaa dhanka Kenya lagu wadaa 8 sanadood oo ay ciidamada KDF ku jireen gudaha Somalia, kaasoo ay dowladda dalkaasi ku doodayso inay yaraysay weerarro argagixiso oo ka dhaca gudaha Kenya, waloow ay dheceen weerarro badan.
KDF ayaa gudaha u gashay Somalia habeennimo 16-kii Oktoobar 2011-kii, iyagoo ku socda qorshe qaran oo ay Kenya leedahay, oo waxyaabaha ku qornaa ay ka mid ahaayeen in ay Jubbaland u adeegsadaan sidii meel ay ka taliyaan (buffer Zone), si ay ugagab gaashaantaan weerrada Al Shabaab, sida ay sheegeen.
Kenya ayaa wixii markaa ka dambaysey cayrsanaysey siyaasad halis ku ah soo kabashada Somalia, iyadoo iska hor keentay dadwaynaha degaannada ay ka joogto Jubbaland, weerarro ku qaadday kaabayaasha isgaarsiinta, duqaymo cirka ah oo ay rayid ku dhinteen gaysatey, lagu eedeeyay inay iska qaadato dakhliga dekedda iyo garoonka Kismaayo, isla markaana dhistay maamul iyada ka amar qaata, taasoo ah arrin aan laga soo dhowaynin dhanka Dowladda Dhexe ee Muqdisho fadhida.
Hadalsame Media