“Farmaajo Ethiopia ayuu wataa, Axmedna Kenya hasoo kaxaysto!”

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2020 – Waa qiilka kaliya ee ay ku doodaan dadka u arka waxani in ay yihiin wax laba qof u dhaxeeya ee aanay kusoo dhicin qaranimada dalkoodu.

Hortu Ethiopia isbeddel ayaa ka dhacay, Tigreegii Gabre u weynaa ee Soomaalida kala furfuri jiray waa iyagii fanishay, Waakii Muqdisho markuu yimid Abiy Axmed ballanqaaday in uu toos ula macaamili doono dowladda dhexe, oo sida aannu Farmaajo Kililka Oromada ula macaamilin aanay iyaguna maamul goboleed Soomaaliyeed ula macaamilayn, waa iyagii Shidaalka ka heley Shilaabo iyo dhulka ay xoogga ku haystaan, waa iyaga la heshiiyay ONLF xukuumaddii Cabdi M. Cumar na tuuray.

Mana jiraan maleeshiyo ay hoggaaminayaan dad ka baxsaday xabsiyada dowladda Soomaaliya oo sidii jabhaddii saldhigyo ku leh gudaha Ethiopia islamarkaana kasoo duulaya, lana dagaalamaya dowladda Soomaaliya markii la jebiyana Hotello ku yaalla Ethiopia seexanaya.

Inkastoo labada dal ba dhul Soomaalida ka haystaan, haddana majirto Ethiopia maanta sheeganaysa Gaalkacayo, Galdogob, oo ku doodaysa annagaa leh, oo maxkamadaha adduunku noo garqadaayaan, halka Kenya badda dhan ee dadka reer Jubbaland iyo Soomaalidu manaafacaadsan lahaayeen sheeganayso, islamarkaana madaxdii Jubbaland u sacab garaacayaan raggii u ololaynayay in ay xoog ku qabsanayaan maadaama Soomaaliya daciif tahay.

Xaqiiqadu waxay tahay, Ethiopia maanta diyaar uma aha, siyaasadooduna kuma jirto in ay farafareeyaan Soomaaliya, dantoodu sidan ayay kujirtaa, Innagana markaan qiimeyno halka aan joogno, sidan ayaa xalku noogu jiraa, maadaama aanay jirin awood looga hortago furin kale oo nagu furanta.

Taas macnaheedu ma aha aanu jirin damac Ethiopia oo ku wajahan Soomaalida mustaqbalka,waana wax wanaagsan in lagu baraarugsanaado, hadda se kuma jiro xalku in siyaasad cadaawada lala ciyaaro maadaama ay qudhoodu degenaan wax u wadaan.

Ciidamada shisheeye ee dalka jooga ee ay kamid yihiin ciidankoodu, qaar madaxtooyada ilaaliya, qaar Airporka jooga iyo qaar xarumaha dowladda iyo madaxda ilaaliya waa isugu jiraan.

Kuligood shaqadoodu waxay tahay in ay u hawlagalaan sidii dowladdu cagaheeda isugu taagi lahayd, dowladduna xaq bay ugu leedahay in ay u adeegsato wixii lagama maarmaana ama ay hawlgal la fuliyaan ciidanka dowladda dhexe. Taas maaha in ay laayaan dad shacab.

Marka sharciyadda ay ku joogaan ciidamada Amisom, ma dhigayo in loo adeegsado dowladda oo lagula dagaallamo, mana jirto meel ay ku qorantahay (waxaa adeegsan kara maamul goboleedyada si ay u curyaamiyaan dowladda dhexe) waxaa kaloo ka reebban ciidamada dalka jooga ee shisheeye in ay fuliyaan hawlgallo ay ugu danaynayaan dalalka ay metelaan sida ay hadda Kenya samaynayso oo kale iyo inay ay soo hubeeyaan maxaabiis ka fakatay xabsiyada dowladda ee dagaalla kula jira dowladda dhexe.

Haddii marka la yidhaahdo Axmed Kenya hasoo kaxaysto maadaama dowladdu taageero ka heleyso Amisomta kale ee Ethiopia kujirto, waa isku dhererin, waa maamul goboleedyadii oo sidii caadada u ahayd shaqadii dowladda dhexe faragelinaya oo ku doodaya waxaan dalka keeni karnaa ciidamo shisheeye, sida ay xaq ugu leedahay dowladda dhexe inay ciidan ka keensato dibedda ayaan xaq ugu leennahay annaguna, haddii ay Ruush soo kaxaysato waxaan soo kaxaysanaynaa Maraykan IWM.

Waxay iila ekaanaysaa inkastoo ay ila xuntahay (Wiil aabbihii ku leh hooyaday waan kula qabaa).

Waxaan u arkaa in aan maanta khatarta ugu weyni inaga soo wajahayso Kenya, markale aan caddeeyo in aanay Ethiopia ahayn saaxiib daacad inoo ah, laakiin Kenya ayaa ah midda taagan, in meel looga soo wada jeestana ma aha mid aan ugu danaynayno Farmaajo iyo Kheyre, waa dan Soomaaliyeed, markaa muddo badan ayaan lahayn dowladdu ma dhaafto Muqdishee, markay dhaafto yaan la odhan maxaad usoo dhaafteen.

Qore: Abwaan Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumaya aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media