”Beesha Madaxwaynaha iyo beesha….” – Ma waxaad u fahamsan tahay inay Jubbaland beelo isku hayaan?!!

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2020 – Waa muhiim in Jubbaland ku soo noqoto gacanta Soomaaliya inta madaxweyne Farmaajo xilka hayo. Sababtuna waa haddii madaxweyne Farmaajo oo beel ahaan taageero badan ku leh Jubbaland ku guuldarrayso in uu Jubbaland Muqdisho hoos keeno u ma suurtagalayso madaxweyne beel ahaan aan Jubbaland taageero badan ku lahayn, taasina Kenya ayay guulwayn u tahay.

Dad badan ayaa qaba in dagaalka Balad Xaawo yahay mid u dhexeeya beesha Madaxweynaha oo rabta in ay Jubbaland gacanta ku dhigto inta wiilkoodu Villa Soomaaliya joogo iyo beesha Axmed Madoobe oo taas ka hortagaysa. Waa dhici kartaa in rag masuuliyiin ahi taas ku fakarayaan ama sidaas rabaan balse xaqiiqdu waa in Axmed Madoobe ay isugu mid yihiin Farmaajo, Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, iyo madaxda dambe ee berri imaan doonta.

Xattaa haddii maanta nin asaga ku beel ihi uu madaxweynaha Soomaaliya noqdo Axmed Madoobe ma oggolaanayo ma na la shaqaynayo. Axmed Madoobe waxa uu si toos ah u la safan yahay Kenya oo weerar cad ku haysta Soomaaliya. Sidaas darteed waa muhiim in mucaarad iyo mu’ayidba loo midoobo sidii Axmed Madoobe iyo Kenya looga xorayn lahaa Jubbaland haddii kale Jubbaland waxa ay noqonaysaa gobol Kenya ka tirsan.

Waxaan arkayaa rag mucaarad ah oo waxa Jubbaland ka dhacaya uga hadlaya si aan qummanayn ama si toos ah Axmed Madoobr iyo kooxdiisa la saftay. Waxaan ku oranayaa raggaas akhriyaarta aan kala saarno is jiijiidka iyo kala aragti duwanaanta dhexdeenna iyo arrinta Jubbaland ka taagan.

Jubbaland waxaa isku haya Kenya oo rabta in ay iska maamulato Jubbaland, goortii ay tabto soo gasho goobtii ay rabtana ka degto iyo Soomaaliya oo leh “maya Jubbaland waa Soomaaliya ma oggolaanaynno in ay noqoto gobol Kenya hoostaga.” Sidaas darteed waxa ay ahayd in mucaaradku dawladda ku cadaadiyaan in ciidanka Kenya Jubbaland laga saaro iyo Kenya talloobooyin diblomaasiyadeed oo adag ay dawladdu ka qaaddo. Balse nasiibdarro taasi ma dhicin.

Bal ha iswaydiiyo ninka maanta mucaaradka ah ee raba in uu berri dalka hoggaamiyo haddana raba in Axmed Madoobe iyo Kenya Jubbaland sii joogaan, berri marka uu xilka qabto Farmaajana tago Axmed madoobe iyo Kenya na joogaan muxuu samaynayaa? Ma wuxuu u malaynayaa in Axmed Madoobe iyo Kenya ay Dekadda iyo Gedida diyaaradaha Kismaayo ku wareejinayaan? Ku na oranayaan adigaa Soomaaliya madax u ah ee xudduuda ilaali oo ciidan gee, baddana naga la wareeg?

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media