”Axmedoow waxa ay Kenya kaa rabto ka badan 10 kiilo oo Aargoosato ah!”

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2020 – Waxay ahayd Oktoobar 18, 2011-kii. ‘‘Cabdullaahiyow, 10 Kiilo oo Aargoosato ah hadda soo bixi oo u keen weriyaha’’. Waa Axmed Madoobe, la hadlaya wiil dhalinyarada Xarakada Raaskambooni ka tirsan asaga oo wareysi siinaya Telefishinka NTV ee Kenya.

Marka uu dhowr su’aalood weriyuhu weydiiyo Axmed Madoobe, ayuu muuqaalka ku duwayaa, sharaxayaana in ciidamada Kenya, ay dhanka gudaha Soomaaliya u dhaafeen dhagax yaal “xad beenaadka NFD”, kaas oo weriyuhu si faahfaahsan u sheegayo in ciidanka Kenya, ay ku jiraan dhanka gudaha Soomaaliya.

Xadka labo beri ka hor ayey Kenya kasoo gudubtay markaas, ha yeeshee, weriyuhu waxuu dadka Kenya ka haqab tirayaa in ay fahmaan waxa loo socdo iyo meesha la joogo.

Halka uu Axmed Madoobe ku wareysanayo weriyuhu waa Bilis Qooqaani, oo 70 Kiilomitir, gudaha Soomaaliya ah, xadkana aad uga fog, una dhaxaysa Dhoobley iyo Afmadow.

Weriyaha oo farta ku fiiqaya dhagax xadka yaal, ayaa oranaya, ‘‘the truck is actually the other side on the border, that is Somalia”. (Truck) waa gaari milatari, oo dhinaca kale ka muuqda.

Maanta maalintaas sagaal (9) sano ku dhawaad ayaa laga joogaa.

Axmed Madooba, maanta ‘‘Aargoosato’’ kuma casuumayo Kenya, ee qeyb iyo dhulka Soomaaliya, intii ugu manaafacaadka badnayd ayuu saaray miiska Kenya, haddii uu taa ku baraarugsan yahay iyo haddii kaleba.

Qorshaha Axmed Madoobe ku joogo waa in uu danta iyo damac kasta oo Kenya leedahay u hogaansamaa una fuliyaa sida ayagu u rabaan. Laga se yeeli maayo.

Adigu faham halka loo socdo!

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumaya aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media