Waa xad-gudub qaawan inay Kenya gudaha Somalia soo geliso malliishiyaad la dagaallama DF Somalia, xaqna uma laha inay kasii mid ahaato AMISOM

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2020 – Waa xadgudub qaawan in maleyshiyo hubaysan gudaha Kenya weerar ka soo qaadaan oo ciidanka Soomaaliya dagaal ku soo qaadaan. Sida warbaahinta Kenya sheegayso maleyshiyadii Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdirashiid Janan ciidan qaranku waa ka awood roonaadeen waxa ayna galeen oo gabbaad ka dhigteen saldhigga Boliiska Kenya ee Mandheera.

Kenya oo ciidankeedu ka mid yihiin AMISOM waxa ay jabisay xeer walba ma ma jirto sabab ciidankeedu Soomaaliya ku sii joogi karaan.

Dadka Soomaaliyeed waa in ay midoobaan ciidanka qaranka iyo dawladda lagu garab istaago ka hortagga weerarka qaawan ee Kenya dalkeenna ku soo qaadday.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media