(Nairobi) 02 Maarso 2020 – Warqaadka The Star ee dalka Kenya ayaa war uu ka qoray dagaalkii maanta ka dhacay Buula Xaawo ku kashifay arrin hoos la iskugu sheegi jirey oo ay siyaasiyiinta qaar kula sheekaystaan Kenya oo u muuqata mid daba socota qorshe aysan la dhuuman oo ah inay doonayso in Jubbaland ay ugu yaraan noqoto mandiqad ay iyadu ka taliso, balse ninkani wuxuu qiray inay sheekadu intaaba ka wayn tahay.
The Star ayaa qoray war uu sheegay inuu kasoo xigtey saraakiil sare oo ka tirsan Jubbaland, kuwaasoo Farmaajo ku eedeeyay inuu doonayo inuu xilka ka qaado Madaxwaynaha Jubbaland.
Ninka The Star la hadlay oo magaciisa qariyay oo sii hadlaya ayaa deeto yiri: ”Muqdisho waxay doonaysaa inay la wareegto Jubbaland oo ah ”gobol doonaya inuu ka go’o Somalia, si looga dhiso maamul saaxiib la ah DF Somalia.”
Wargayskan ayaa qoray inay ciidamada Xoogga Somalia ee SNA ay TASHWIISH ku fureen anteenooyinka isgaarsiinta Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya ee u dhow xuduud beenaadka Somalia-Kenya, markii ay la dagaallamayeen malliishiyaadka Cabdi Janan.
Hadalsame Media