(Hadalsame) 02 Maarso 2020 – Dacwada muddada dheer aan ku jiray dad badan baan isku baranaa. Hayeeshee ninku hadduu (xil qabto ama xoolo helo) badanaa waan kala irdhownaa. Anna irridohooda ma jecli! Iyana dadka dhalaalka soo raacay baa ku filan!!
Waxaa ragaas aan jaalka ahaan jirney ka mid ah Axmed Maxamed Islaan (madoobe). Xurmo weyn baan u hayaa! Waxaan kula talin lahaa:
Saaxiibow fursad fiican ayaad u heshay inaad soomaali waxqabad taariikh geli kara tusto muddo 10 sano ku dhow. Waxaad haysatey Jubbada hoose oo ka baaxad weyn kana hodonsan (Switzerland iyo Holland) iyo dalal badan!
Waxaa suurta gal ahayd iney noqoto meel nolol loo soo doonto soomaali oo dhanna ku filan! Taasi tagtay! Waxaan ku talin lahaa, dhib kale ama dhiig kale sabab ha u noqon, taariikh xun gacantaada ha ku qoran!
Midnimada iyo dawladnimada soomaaliyeed xooji! Kursiga aad la dirireyso cidi ma laha! Berri laga yaabo fursad kale kursiga sare inaad soo damci karto! Jabhadayn talo iyo taariikh midna ma aha, waqtigeediina dhamaa!
Khayr Allaha ku waafajiyo!
Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media