(Stockholm) 02 Maarso 2020 – Waxaa maanta kulmaya Golaha Sweden ugu qaybsan Maaraynta Xasaradaha si ay uga arrinsadaan sida ay Sweden ugu diyaar garowdey la tacaallidda cudurka covid-19.
Waxaa kulanka dadka ka qayb gelaya ka mid ah Taliyaha Booliiska Sweden iyo Taliyaha Nabad Sugidda Säpo oo ay wehliyaan hay’aadka rayidka ah ee ay arrintani khuseeyso.
Elisabeth Backteman, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasiir Gudeedka, Mikael Damberg, ayaa P1 Morgon uga sheekaysay meelaha la isla eegi doono iyo waxa uu kulankani ku saabsan yahay.
– Marxaladdan aannu iminka ku jirno waa muhim in aannu la xaalno xaaladda waqti xaadirkan taagan, balse sidoo kale waa muhim in aannu horay eegno, oo aannu ka sii fikirno inay kasii dari karto xaaladdu, ayay tiri.
Elisabeth Backteman ayaa intaa daba dhigtay in kulanka maantu uu sidoo kale ku saabsan yahay xog is dhaafsi dhex maraya Dowladda iyo hay’aadka arrimahan u xil saaran, balse sidoo kale la isla soo qaadi doono sidii loogu dhaqaaqi lahaa tillaabooyin ka dhan ah cudurka coronavirus. Guud ahaan se waxay sheegtay in heerka diyaar garowga Sweden uu wanaagsan yahay.
– Waxa laga yaabo inay Sweden kaga yara bedelan tahay inta kale, waa in aannu leennahay qaab-dhismeed aad u wanaagsan oo dhanka maaraynta xasaradaha ah. Hay’aadku waxay leeyihiin awood qoto dheer oo ay kula macaamilaan xaaladaha caadiga ah iyo xitaa kuwa aadka u ba’an, ayay raacisay.
Backteman ayaa ballan qaadday in haddii loo baahdo ay Waaxda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha ee Folkhälsomyndigheten ay ku dhaqaaqi doonto in la xiro iskuullada si loo yareeyo faafitaanka caabuqa cudurka, balse aanay weli Sweden heerkaa gaarin, iyadoo dadwaynaha usoo jeedisey inay raacaan tilmaamaha la siiyo ee ay bixinayaan hay’aadka ku shaqada leh.
Guud ahaan dadka cudurka corona laga helay Sweden oo idil ayaa haatan maraya 14 qofood.
Hadalsame Media