(Beled Xaawo) 02 Maarso 2020 – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay iyaga iyo xoogag daacad u ah maamulka Jubbaland.
Dagaalka ayaa galinkii galabnimadii maanta lasoo afjaray kaddib markii “laga adkaaday” ciidamada Jubbaland, kuwaasoo lagu soo warramay inuu hoggaaminayay wasiirka amniga ee maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).
Wuxuu dagaalkaas oo barqaddimadii maanta qarxay yimid kaddib markii ay muddooyinkii dambe ciidamo iska soo horjeeda gaareen aagaas, iyagoo maalmihii dambena is hor fadhiyay.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, laakiin wariyeyaal ku sugan gobolka ayaa soo tabiyay in dad dhaawacyo ah la gaarsiiyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera.
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in hadda ay xaaladdu daggan tahay, magaalada oo dhanna “ay ciidamo dhex yaacayaan”.
“Xabaddu hadda wey joogsaday, ciidankii baa dhulka oo dhan dhooban, wax khasaare ah oo aan idiin sheegi karana ma jiro. Way jiraan madaafiic ku dhacday goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Beled Xaawo, laakiin ima soo gaarin khasaare nafeed oo ay sababeen”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan magaalada Beled Xaawo.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ku simaha guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in laga soo weeraray dhinaca Kenya. Inkastoo aysa BBC-du arrintaas xaqiijinin.
Hase ahaatee Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Dhexe ku eedeeyay inay dagaal kusoo qaadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidankii dagaalka looga adkaaday ay u kala firxadeen dhinacyada xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland la geeyay saldhig boolis oo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalada Mandeera ee ku taalla xadka.
Balse mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa beeniyay in ciidankooda “ay Kenya iska dhiibeen”.
Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray Dowladda Dhexe.
“Dagaalkan waa mid ay Dowladda Federaalka ugu talagashay inuu shacabka ku qaxo, sidii dhacday 1991-kii iyo 1992-kii. Cid walba way fileysay in markii ay kasoo jeestaan Galmudug ay ku xijin doonaan Jubbaland”, ayuu yiri.
Dhinaca kale, taliska booliska Kenya waxay beeniyeen warar sheegayay in uu dagaal ka dhacay gudaha magaalada Mandheera.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya halka uu hadda ku sugan yahay Cabdirashiid Janan.
Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa in muddo ah soo taagnaa, dad badanna waxay saadaalinayeen inuu gacan ka hadal isu baddali doono.
Ma jirto waan waan laga dhex wado labada dhinac iyo wadahadal ay khilaafkooda kusoo af jarayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u diidday inay aqoonsato dib u doorashada madaxweyneynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.
Sidoo kale waxay sheegtay inay ku howlan tahay sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd Cabdirashiid Janan, oo ka baxsaday xabsi lagu hayay oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Dagaalka maanta ka dhacay gobolka Gedo ayaa yimid maalin kaddib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya dagaal kula wareegeen fariisimihii ciidamada Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb.
Dagaal khasaare geystay oo dhex maray ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa dhacay 29-kii bishii lasoo dhaafay ee February.
Tallaabadaas waxay soo afjartay khilaafkii Ahlu Sunna iyo xukuumadda Federaalka, oo horay u sababay in maamulka uu hor kacayo Sheekh Maxamed Shaakir ay Magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqaan madaxweynaha Galmudug, kaasoo ay si iskood ah u doorteen.
Hadalsame Media